DAYARKABE
Waa Urur Isku Xiran oo U Adeega Bulshada
What'sapp
nagala soo xariir
252-615407682
Mogadishu, Somalia
xarunta shaqada ururka waxa uu ku yaalaa magaalad muqdisho.
Danyarkaabe
waa buug yar oo ka hadlayo ururka Danyarkaabe






Alle ayaa mahad balaaran u sugnaatey. Marka xigta Waxaa mahad ballaaran u jeedineynaa dhammaanba dadkii isku howlay hal abuuriddii iyo taabbagelintii ururka meel kasto oo ay joogaanba.
Waxa kale ee xusid mudan dadkii ku garab galay, kuwii hindisaha lahaa ee doorka fiican ka qaatay in dhidibbada loo aaso ururkan qiimaha badan oo wax badan ku kordhin doona mustaqbalka iyo aayaha ubadka danyarta ah oo aan awoodi lahayn in ay wax bartaan ururka la’aantii.
Waxa aan ku hanweynahay in ururku noqon doono horseedka guusha, si ay tusaale ugu noqoto ururrada kale ee walaalaha ah. Waxaan Alle ka rajaynayaa hirgalidda hillaaca aan hiigsaneyno.

Halkan kaga Bogo Qormooyin xiiso Leh
U samafalka agoonta iyo danyarta waa arrin saamyn badan ku leh bulshada waayo waxay sababtaa is jacayl iyo kalsooni dhexmarta dadka wax hesyta iyo kuwa saboolka ah.

Afku waa summadda ay ummadi leedahay oo looga sooco ummada kale. Qofku inuu barto Afka ay qowmiyaddiisu ku hadasho waxay muhiim u tahay aqoonsigiisa muwaadinimo.

Waxyaabaha ugu mudan ee barbaariyuhu inuu ubadka baro looga baahan yahay waxa weeye xuquuqda ay labadiisa waalid ku leeyihiin, si uu baarri ugu noqdo, warkooda u maqlo, ugu samafalo, ugu adeego, kolkay gaboobaannal u daryeelo, codkiisa aanu codkooda ka kormarin, markay dhintaanna u soo duceeyo iwm oo xuquuq waajib ah iyo edeb waalidnimo oo lama huraan ah


Kheyrka oo la iska kaashado waa arrin aad u qiimo badan oo saldhig u ah nolol bulsho oo caafimaad qabta. Marka dadku ay ku midoobaan samafal, wanaag, iyo taageero midba midka kale ah, waxaa ka dhasha midnimo, is-jaceyl iyo horumar aan la iska indho tiri karin.