Afku waa summadda ay ummadi leedahay

Afku waa summadda ay ummadi leedahay

Waxaa qoray Ustaad Cali Shariif Carabow ( Xubin guddiga afsoomaaliga ah)

Afku waa summadda ay ummadi leedahay oo looga sooco ummadaha kale. Qofku inuu barto Afka ay qowmiyaddiisu ku hadasho waxay muhiim u tahay aqoonsigiisa muwaadinimo.

Haddii qofku uusan aqoon Afka ay qoladiisu ku hadasho, waxa uu noqonayaa qof ajnabi ah oo iskaga dhex nool bulshadaasi, waxaana mararka qaarkood dhacayso in laga showro oo uu cidla dareemo, sababtoo ah haddii aadan dadka afkooda aqoonin kama duwana adigoo cidla jooga.

waxaa kale oo dhab ah in haddii aad dadka afkooda taqaanno aysan fududeyn in ay dhibaato kuu geystaan , waxaana arrintaasi caddeyn u ah hadalkii Nebigeenna ( C.S.W) ee ahaa ,” qofka qoom hadalkooda barta waxa uu ka nabad galaa hagartooda.

isku soo wada duub ee haddii qofku si fiican u yaqaan hadalka qoomkiisa, waxa uu noqonayaa qof xurmo badan ku leh dhexdooda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *