U samafalidda Danyarta Iyo Agoonta

Waxaa qoray Ustaad Cali Shariif Carabow ( Xubin guddiga afsoomaaliga ah)
u samafalka agoonta iyo danyarta waa arrin saameyn badan ku leh bulshada, waayo waxa ay sababtaa is jacayl iyo kalsooni dhexmarta dadka wax hesyta iyo kuwa saboolka ah.
Haddii la daryeelo agoonta iyo danyarta waxaa yaraanayaa dayacii ku dhici lahaa oo waxa ay noqonayaan dad ku faraxsan wixii la taray, una duceeya dadka wax haysta ee dhibkooda wax ka qabtay.
Haddii aan danyarta la daryeelin, waxaa beermaya cadaawad ka dhex dhalata danyarta iyo hantiilayaasha, taasoo sababta cuqdad joogta ah oo ay la noolaadaan dadka saboolka ah, lagana yaabo inay habaaraan maalka hantiilayaasha.
soomaalidu waxa ay tiraahdaa ” Naf nin u roon raacday ” oo micneheedu yahay qofka qofkii waxtara inuu ka jecelyahay dadka kale, danihiisana kala shaqeeyo.