Ubaari Noqoshada Waalidka

Ubaari Noqoshada Waalidka

Waxaa Qoray Abdinuur Umur

Waxyaabaha ugu mudan ee barbaariyuhu inuu ubadka baro looga baahan yahay waxa weeye xuquuqda ay labadiisa waalid ku leeyihiin, si uu baarri ugu noqdo, warkooda u maqlo, ugu samafalo, ugu adeego, kolkay gaboobaannal u daryeelo, codkiisa aanu codkooda ka kormarin, markay dhintaanna  u soo duceeyo iwm oo xuquuq waajib ah iyo edeb waalidnimo oo lama huraan ah.

Bal aynu dardaarankii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu ummaddiisa kula dardaarmay, kuna saabsanaa baarri u noqoshada waalidka wax ka taabanno. Barbaariyaha iyo waalidku waa inay carruurtu intay yaryihiin dardaarankaas baraan say dusha uga qaybaan, talooyinka la socdana u raacaan.

Raallinimada Alle raallinimadooday ku jirtaa.

– Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Raallinimada Alle waxay ku jirtaa raallinimada waalidka, carada Allena waxay ku jirtaa carada waalidka)[1].

Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Ubad abaalka waalidkiis ma gudi karo in isagoo addoon la leeyahay ah intuu arko oo

uu iibsado dabadeedna xoreeyo mooyee)[2].

U baarri noqoshadooda ayaa ka horraysa Jihaadka.

– Cabdullaahi ibnu Mascuud (RC) waxa laga weriyay: Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaan weydiiyay shaqa la qabto tee Alle ugu jecelyahay?. Wuxu yiri: (Salaadda oo waqtigeeda la tukado). Wuxuu yiri: Maxaa xiga?. Wuxuu yiri: (Labada waalid oo baarri loo noqdo). Wuxuu yiri: Maxaa xiga?. Wuxuu yiri: (Jidka Alle oo lagu jihaado)[3].

– Mucaawiye ibnu Jaahima Al-Sulami (RC) waxaa laga weriyay: Jaahima (RC) ayaa Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u tegay kuna yiri: Rasuul Allow waxaan doonayaa inaan duullaan galo, waxanan kuugu imid inaan kula tashado. Wuxu ku yiri: (Hooyo ma leedahay?). Wuxuu yiri: Haa. Wuxuu yiri: (La joog iyada, Jannadu labadeeda lugood ayay ku ag taale)[4].

– Cabdullaahi ibnu Camar ibnul-Caas (RC) wuxuu yiri: Nin baa intuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yimid, ku yiri: waxaan Axdi kugula gelayaa inaan haajiro oon jihaado anigoo ajar Alle uga doonaya. Wuxuu (Nabigu) yiri: (Labadaadii waalid mid ma ka noolyahay?). Wuxuu yiri: Labadoodii ayaaba wada nool. Wuxuu (Nabigu) yiri: (Mana ajar baad Alle ka doonaysaa?). Wuxuu yiri: Haa. Wuxuu yiri: (Labadaada waalid u laabo oo iyaga wanaag kula joog)[5].

Werin kale waxay leedahay: (Laba waalid ma leedahay?). Wuxuu yiri: Haa. Wuxuu yiri: (Iyaga ku jihaad).

Isla Cabdullaahi ibnu Camar ibnul-Caas (RC) waxaa laga weriyay: (Nin baa Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yimid, kuna yiri: Waxaan u imid in aan Jihaad Axdi kugula galo, waxanan ka soo tegay labadaydii waalid oo ooyaya. Wuxuu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) yiri: (Noqo oo sidaad uga oohisay uga qosli)[6].

Usoo ducee, saaxiibbadoodna soo dhowee:      

Waxa taladaas laga tixraacayaa Aayadda Qur’aanka ah:

{وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا} {سورة الإسراء: 24}.

(U raarici “labadaada waalid” garabka nuglaanta si naxariis leh, waxaadna dhahdaa: Rabbiyow labadooda ugu naxariiso siday markaan yaraa ii soo koriyeen) (Al-Israa’: 24).

– Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Allaha sarreeyaa addoonka suubban Jannada dhexdeeda darajo ayuu kor u qaadaa, markaas buu yiraahdaa: Allow tanna xaggeen ka helay?. Wuxu yiraahdaa: Ubadkaagii dembi dhaaf uu kuu weydiiiyay “baad ku heshay”)[7].

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *